Waxaan dul-tegey maydka wiilkeygii iyo xaaskiisii oo uur lahayd, Aabe Cali Cabdi oo BBCda la hadlay - BBC News Somali (2024)

Waxaan dul-tegey maydka wiilkeygii iyo xaaskiisii oo uur lahayd, Aabe Cali Cabdi oo BBCda la hadlay - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Qoyska

Deegaano badan oo dhulka Soomaalida waxaa ku soo badanaya dagaallada u dhaxeeya beelaha ee dhalinaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh, kuwaas oo ay ka sii farcamaan dilalka dadka nugul ee an waxba galabsan ee la bartilmaameedsanayo.

Dilka dadka ay Soomaalidu u taqaan Biri-mageydada ayaa ku soo badanaya deegaano ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo falcelin ballaaran ay dadku ka sameeyeen.

Xilliyadii dirirta oo falal kuwan la mid ah ay ka dhici jireen gayiga Soomaalida waxaa jiray xeerar dagaal, xurmo dhaqan iyo ilaalinta dadka biri-ma gaydada ah, kuwaas oo ka caaganaa dilka iyo beegsigaba sida uu BBCda u sheegay nabadoon Cabdicasiis Xaarin, oo ka mida odoyaasha dhaqanka.

“Waxa kallifaya in dadka biri-ma gaydadaa la dilo, sida haween, qof ummada u ahaa indho, dhaqtar, iyo carruur, runtii waa wax magaratadii oo badatay oo aan waxba xeerinayn” ayuu intaa raaciyey.

Dilalkii ugu danbeeyey ee dadkaas nugul lagu dilay ayaa ka kala dhacay deegaanka Bulacle oo hoostaga Dhuusomareeb iyo deegaanka Kalabayr oo hoostaga Garowe, dilalkaas ayaana baraha bulshada Soomaalida ka dhex abuuray hadal hayn badan.

Dilkii Bulacle ee nin iyo xaaskiis

Waxaan dul-tegey maydka wiilkeygii iyo xaaskiisii oo uur lahayd, Aabe Cali Cabdi oo BBCda la hadlay - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, SOCAIL

Deegaanka Bulacle, oo ah dhul miyi ah oo hoos taga degmada Dhuusamareeb, rag hubaysan ayaa dil argagax leh u gaystay qoys degganaa deegaankaas.

Raggan hubaysan ayaa miray qoyska oo si nabdoon ku jooga gurigooda, ka dibna toogtay odagii qoyska iyo xaaskiisa oo uur shan bilood ah lahayd, sida uu BBCda u sheegay Cali Cabdi Faarax oo dhalay wiilka geeriyooday.

Allaha u raxmadee Cabdiqaadir Cali Cabdi iyo Bishaaro Macallin Farxaan, ayaa ahaa qoys dhowr bilood uun ka hor ku aqal galay deegaanka Bulacle.

Sida uu BBCda u sheegay Cali Cabdi Faarax dilka ayaa dhacay xilli cawaysin ah oo aysan wax dhiillo colaadeed ah deegaanka ka jirin ee nabad lagu kala hoyaaday.

“Waxaan maqalnay rasaasta oo sidii baaskii u dhacday, ilaa meel soddon daqiiqo loo socdo ayey degganayaaneen qoyska la dilay, markiiba qofba meeshii joogay ayuu ka orday, waxaan dul istaagnay wilkii, xaaskiisi oo meesha yaalla oo mayd ah, labadii hooyo ee wiilka iyo gabadha kala dhalay waxay ku suuxeen goobtii, waxay ahayd wax naxdin leh” ayuu yiri Cali Cabdi.

Waxaan dul-tegey maydka wiilkeygii iyo xaaskiisii oo uur lahayd, Aabe Cali Cabdi oo BBCda la hadlay - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Marxuun Cabdiqaadir Cali Cabdi, ayaa Muqdisho uga tagay sidii carruurta dadka deegaanka uu quraanka u bari lahaa, isagoo halkaaas ku haystay madaraso quraan.

“Ilaa 44 carruur ah ayuu halkan quraanka ku barayey oo diinta barayey, waxaa loo beegsaday baan filayaa in la barkicyo dadkaas quraanka baranayey” ayuu BBCda u sheegay Cali Cabdi Faarax.

Dhacdadani waxay ahayd mid si weyn looga falceliyey dhanka baraha bulshada.

Maamulka Galmudug, oo dhacdadu ka dhacday ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii falkaas foosha xun gaystay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Galmudug Cabdi Waayeel ayaa BBCda u sheegay in falalkaas oo kale ay hore tallaabo ugu qaadeen ayna ka go’an tahay in si adag looga hortago kuwa gaysanaya falalkaas.

Dilkii deegaanka Kalabayr

Dhacdo la mid ah tan Bulacle, ayaa laba maalmood uun ka horka dhacday deegaanka Kalabayr oo ah deegaan hoos yimaada magaalada Garoowe.

Rag hubaysay ayaa goor fiid ah ku dilay Kalabayr, Allaha u raxmadee Cabdiqaadir Cabdi Daahir, oo ka mid ahaa dadka deegaanka sida weyn looga yaqaanay.

Marxuunka ayaa ahaa ganacsade deegaanka ku lahaa goobo ganacsi oo ay ka mid ahaayeen goobo lagu ciyaaro kubada cagta oo dhalinyaro badan muhiim u ahaa.

Sidaas oo kale Cabdiqaadir ayaa mu’addin ka ahaa muddo dheer masaajidka deegaanka oo ka mid ahaa dadka gacanta ku hayey

Bulshada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay Cabdiqaadir tiir adag oo ka baxay Kalabayr.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay xoogga saarayaan sidii dadkaas gacanta loogu soo dhigi lahaa.

“Falkaasi wuxuu ahaa mid foolxun oo an sinnaba qiil u lahayn, dhan diineed iyo dhan ummadeedba, marka waa ku daba jirnaa dadkii falkaas gaystay waxaana rajaynayanaa inaan soo qabano oo cadaaladda horkeeno” ayuu yiri Taliye Marduuf.

Waa kuwee dadka loo yaqaan Birmageydo.

Sida uu BBCda u sheegay Nabadoon Cabdicasiis Xaarin, oo ka mida odoyaasha dhaqanka dilalka noocaas ah ayaa ah kuwo ku cusub dhulka Soomaalida.

“Dhaqanku wuxuu ahaa in dadka nugul aan la dilin, laakiin waxaan oo dhammi waxay muujinayaan in wax la xeerinayo oo dhaqan ah uusan hadda jirin” ayuu yiri Xaarin.

wuxuu intaa ku daray in dadka Soomaalidu u taqaan Biri-magaydo, ay yihiin carruurta, waayeelka, haweenka, culimada iyo dadka nugul.

Labadan dhacdo oo maalmo uun ka hor dhacay ayaa waxaa ku biirayaan ilaa dhowr dhacdo oo kale oo ka dhacay deeganaada Galmudug iyo Puntland oo dad biri-magayda ah lagu dilay.

Waxaan dul-tegey maydka wiilkeygii iyo xaaskiisii oo uur lahayd, Aabe Cali Cabdi oo BBCda la hadlay - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Catherine Tremblay

Last Updated:

Views: 5958

Rating: 4.7 / 5 (47 voted)

Reviews: 86% of readers found this page helpful

Author information

Name: Catherine Tremblay

Birthday: 1999-09-23

Address: Suite 461 73643 Sherril Loaf, Dickinsonland, AZ 47941-2379

Phone: +2678139151039

Job: International Administration Supervisor

Hobby: Dowsing, Snowboarding, Rowing, Beekeeping, Calligraphy, Shooting, Air sports

Introduction: My name is Catherine Tremblay, I am a precious, perfect, tasty, enthusiastic, inexpensive, vast, kind person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.